Legal
Privacy Policy
Beta Academy waa madal waxbarasho online ah oo lagu barto Cryptocurrency, Blockchain iyo Web3 Af-Soomaali. Qoraalkan wuxuu sharxayaa xogta aan ka ururino ardayda iyo sida aan u ilaalinno.
Last updated: 1 August 2026
1. Xogta aan ururino
Markaad account sameyso waxaan ururinaa magacaaga, email-kaaga, taleefankaaga (haddii aad bixiso), sawirka profile-kaaga, iyo diiwaanka koorsooyinka aad iibsatay. Sidoo kale waxaan xafidnaa horumarka casharada — casharada aad dhamaystirtay iyo goobta aad video-ga ku joogsatay.
2. Sida aan u isticmaalno
- Inaan kuu furno koorsooyinka aad iibsatay oo aan la socono horumarkaaga.
- Inaan kuu soo dirno shahaadada markaad koorso dhamaystirto.
- Inaan kuu soo dirno ogeysiisyo (announcements) koorsada iyo taageero WhatsApp ah.
- Inaan hagaajinno tayada casharrada iyo website-ka.
3. Lacag bixinta
Lacag bixinta waxaa maamula shuraakadayada (EVC Plus, SAHAL, ZAAD, kaararka, USDT iyo BTC). Beta Academy ma kaydiso lambarrada kaararkaaga — waxaan kaliya haynaa diiwaanka iibka (qiimaha, taariikhda iyo koorsada).
4. Wadaagista xogta
Xogtaada ma iibinno oo ma kireysanno. Waxaan kaliya la wadaagnaa adeeg-bixiyeyaasha aan ku shaqeyno (hosting, database, lacag bixin, Vimeo video hosting) inta looga baahan yahay adeegga oo kaliya.
5. Video iyo cookies
Casharrada waxaa lagu martigeliyaa Vimeo, taasoo dhigi karta cookies si video-ga si fiican u shaqeeyo. Waxaan sidoo kale isticmaalnaa cookies muhiim ah oo login-kaaga sii socodsiiya.
6. Xuquuqdaada
Waxaad codsan kartaa inaad aragto, bedesho ama tirtirto xogtaada shaqsiyeed. Nala soo xiriir info@betaacademy.tech ama WhatsApp-ka akadeemiyada.
7. Carruurta
Adeegga waxaa loogu talagalay dadka 13 jir iyo ka weyn. Haddii aad ka yar tahay 18, fadlan isticmaal ogolaanshaha waalidkaaga.
8. Isbeddellada
Waxaan cusbooneysiin karnaa qoraalkan. Nooca ugu dambeeya iyo taariikhdiisa waxaa lagu daabacayaa boggan.
