About Beta Academy
Beta Academy waa madal waxbarasho online ah oo dadka Soomaaliyeed ka caawisa inay si fudud oo practical ah u fahmaan Cryptocurrency, Blockchain iyo teknoolojiyada cusub ee maaliyadda dijitaalka ah. Waxaan xoogga saarnaa aqoon practical ah, amniga digital assets iyo faham mas'uul ah oo suuqa ah.
What we teach
Waa maxay Bitcoin, sida suuqa u shaqeeyo, iyo erayada muhiimka ah — Af-Soomaali cad.
Sida blockchain-ka u shaqeeyo, nodes, mining, iyo smart contracts.
Samaysashada wallet, seed phrase, iyo ilaalinta lacagtaada khiyaamada.
Staking, DEX, NFT iyo isticmaalka mas'uul ah ee Web3.
Faham khatarta, khaladaadka caamka ah, iyo go'aan-qaadasho miisaaman.
Casharro practical ah oo ku saabsan crypto, blockchain iyo Web3, iyo shahaado la xaqiijin karo.
Ujeeddadeennu waa inaan aqoonta tiknoolajiyada casriga ah ka dhigno mid la fahmi karo, la heli karo, isla markaana Af-Soomaali ah.
Inaan noqonno madasha ugu la aaminsan ee bulshada Soomaaliyeed kaga barato Blockchain, Web3 iyo maaliyadda dijitaalka ah — iyadoo lagu saleynayo waxbarasho mas'uul ah.
Timeline
Beta Academy waxay ka bilaabatay hal su'aal: xaggee Soomaalidu ku bartaa crypto si sax ah?
Koorsooyinkii ugu horreeyay ee crypto iyo blockchain oo Af-Soomaali ah.
Bulsho korodhay oo ka kooban arday ku kala nool Soomaaliya iyo qurbaha.
Madasha lagu kalsoon yahay ee waxbarashada Cryptocurrency, Blockchain iyo Web3 gobolka.
The people behind it
Aasaasaha & Bare
Bare crypto oo diiradda saaraya waxbarasho fudud, mas'uul ah oo Af-Soomaali ah — waxbarasho keliya, ma aha maalgashi.
Why we exist
Blockchain, wallets, DeFi iyo Web3 waxay beddelayaan habka qiimaha dijitaalka ah loo kaydiyo loona isticmaalo. Bulshada Soomaaliyeed waa inay heshaa waxbarasho cad oo ay si ammaan iyo mas'uuliyad leh ugu fahanto teknoolojiyadan.
Eeg Koorsada